Ku imaanaya rabitaan madaxbannaan

Qof kasta uu xaq u leeyahay in uu xukumo jirkiisa iyo qaab galmeedkiisa, Sidaa darteeed Iswiidhan waxa eey leedahay sharci ah dembiyadda galmada oo ku dhisan rabitaan madaxbannaan. Galmo waa in eey ahaataa rabitaan madaxbannaan ku imaata, haddii kale waa dembi.

Galmo ku imaatay rabitaan madaxbannaan waxaa loola jeedaa in uu qof erey ahaan ama dhaqdhaqaaq jir ahaan uu tuso in uu qofkaa rabo in uu ka qeeby qaato fal galmo ah. Sidaa darteed waa muhiim in la dhageysto, in la su’aalo, la dareemo lana xushmeeyo. Waa in aad hubsataa waxaa uu shakhsiga kale run ahaantii rabo.

Marka shuruud ma aha in eey timaado xoogid ama hanjabaad tusaale ahaan si qof loogu xukmiyo dembi kufsi. Sidoo kale xitaa shuruud ma aha in uu qof ka faa’iideystey qof kale oo ku jira xaalad gaar ah oo khatar ah, tusaale ahaan waxaa ah in uu qofka kale uu cabsanaa. Haddii eey galmo ahayn mid ku tmid rabitaan madaxbannaan waa dembi.

Dhamaan falalka galmooyinka waa in eey ahaadaan rabitaan madaxbannaan

Xasuuso in dadka dhan xaq u leeyihiin in eey is beddelaan. Wax micna ahna kuma fadhiso wixii hore u soo dhacay ama qofkii bilaabay. Waa dembi in fal galmo ah lala sii wado qof aanan doonayn. Oggolaansho haa ah oo ku aadan nooc sugan oo fal galmo ah micnaheedu ma ahan taasi in eey khuseeydo falal kale oo galmo ah.

Xidhiidh

Haddii aad qabtid sua’aalo ku aadan bogga internetka waxaad khasnada miisaaniyadda dhibanayaasha xagga ah registrator@brottsoffermyndigheten.se.

Fadlan soona booqo bogga internetka ee khasnada miisaaniyadda dhibanayaasha, www.brottsoffermyndigheten.se.
Halkaan waxa aad ka heleysaa warbixin ku aadan xuquuqda eey leeyihiin dhibanayaasha dembiyadda laga gelay oo luqado badan ku qoran. Waxa aad kaloo ka aqrin kartaa waxyaabo dheeraad ah oo ku aadan qaabka loo sameeyo ku wargelinta booliiska iyo habka eey maxkamadda u dhacdo.

Lämna sidan direkt Dölj ditt besök