Ka hadlid wax ku saabsan galmo

Galmo waa in eey ahaataa wax fiican – kahor, gudaheeda iyo kaddiba. Haddii aad rabtid galmo waxa aad u baahntahay sidaa darteed in aad foojigtaanid, aad dhageysatid oo aadna qabatid calaamadaha.

Haddii aadan hubin waxa uu qofka kale doonayo waa in aad weeydiisid si aad u ogaatid in aad xaaladda si sax ah u turjumatay. Ha khiyaasanin. Xaaladda ugu xun ee khiyaasid kugu hogaamin kartaa waa in aad qofka kale wax uunan rabin ku sameysid och sidaa darteedna aad sharaf dishid ama aad dhaawacdid qofka. Markaa adiga xataa waxaa gashay dembi.

Qaab fiican oo aad ku ogaan kartid sida uu qof kale dareemayo waxaa waaye in aad taasi wax ku aadan in aad ka hadashid. Weeydii waxa uu qofka kale uu doonayo iyo waxa uu jecel yahay. Qaab kale waxaa ah in la aqristo dhaqdhaqaaqa jirka, dareenka wejiga laga aqrisan karo iyo habka kala duwidda codka.

Waxaa xaq u leedahay caawin iyo taageero

Marnaba ma aha khaladkaada haddii laguugu sameeyay ku xadgudub galmo. Markasta waxaad xaq u leedahay in aad heshid caawin iyo taageerid khuseyda wixii kugu soo dhacay. Badanaa waxaa la dareemi karaa fiicnaan in lagala hadlo wax ku saabsan wixii dhacay, tusaale ahaan saaxiibkaa, qof ka tirsan qoyskaada ama qof kale oo aad ku kalson tahay. Waxaa kaloo xitaa jiro ururo badan oo aad la xiriiri kartid haddii aad doonaysid in aad la hadashid qof.

Boggeena internetkeena waxaa laga helayaa liis ah ururo dhiibo caawin iyo taageerid (kaliya ah af iswiidhish/af ingiriis)

 

In lagu sameeyo qof kale wax aan dareenkoodu aanan fiicneen

Markasta waa khalad in fal galmo ah lagu fuliyo qof kale taa oo kasoo horjeeda rabitaanka qofkaa kale.

Waxaad heli kartaa caawin haddii aad isleedahay in aad falal galmo ah ku sameeysay wax kasoo horjeedo rabitaanka qof kale. Waad ka hadli kartaa wax ku saabsan wixii dhacay waxa aadna heli kartaa caawin si aad u bedeshid akhlaaqdaada. Waxaad adiga tusaale ahaan la xiriiri kartaa khadka caawinta ee PrevenTell.

Ka fiiri warbixin dheeraad ah halka ah bogga internetka ee PrevenTells(kaliya ah af iswiidhish/af ingiriis).

Lämna sidan direkt Dölj ditt besök