Markasta waa dembi Falal galmo oo lagu sameeyo carruur ka yar 15 sano

Sida uu sharciga dhigayo marnaba carruur ka yar 15 sano rabitaan madaxbannaan ugama qeeyb gali karaan fal galmo ah. Wax micna ahna kuma fadhido qofka kale shakhsiguu yahay ama haddii carruurta eey dhahaan ama eey tusaan in eey rabaan galmo.

Mar eey taasi reeban tahay ayaa ah markii eey dad qiyaas ahaantii isku da’ ah eey rabitaankooda madaxbannaan ee ka dhexeeya labbadda dhinacba galmo ku sameeyaan, tusaale ahaan labbo qof oo xirrir lamaanenimo ah ka dhexeeyso. Haddii eey cadahay in eey rabitaankooda madaxbannaan ku rabaan in eey galmo isla sameeyaan markaa qofka ka weeyn 15 sano laguma xukminayo dembi.

Qof ku sameeysay falal galmo ah qof da’diisu kayar tahay 15 sano waxaa lagu xukmin karaa dembi xitaa kaa hadduu mooday in uu qofkaa weeynaa. Qofka dembiilaha ah ayaa markaa ahaaday taxadar la’aan oo aanan soo hubsan da’da qofkaa.

Da’yarta u dhexeyda 15 iyo 17 oo sano

Haddii waalid ama qof kale oo gacanta ku haya daryeelka qof da’deedu u dhexeeydo 15 – 17 sano kuna sameeyo kaa falal galmo taasi waxaa loo xisaabinayaa sida dembi galmo lagu sameeyay carruur. Sida uu sharciga dhigayo qof ku jirta xaaladdaan marnaba in eeynan si rabitaan madaxbannaan uga qeyb geli karin. Laakiin da’yarta u dhexeeydo 15 – 17 sano waxa eey galmo dad kale kula sameeyn karaan rabitaankooda madaxbannaan.

Lämna sidan direkt Dölj ditt besök